Doorashada Somaliland oo loo Dareeray.

#Ilwareed Online – #

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ah isniin kuna beegan 13-ka November, waxaa Deegaanada Maamulka Somaliland ka bilawday Doorashada Maamulkaasi.

Dadka codeyna oo safaf dhaadheer ku jira ayaa tan iyo xalay Taagnaa safafka ay ku jiraan, si ay codkooda ugu dhiibtaan Doorashada ay ku loolamayaan Saddexda Xisbi ee Somaliland ee kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in la kordhin doono hadii loo baahdo saacado dheeraad ah, balse waxa ay sheegeen in doorashada dadka waqtiga loogu darayo ay yihiin dadka safafka dhaadheer waqti hore ee u galay, oo aanan la aqbali doonin in dad Cusub safafka ay galaan.

Waxaa la xannibay Gaadiidka qeybihiisa kala duwan, taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland iyo Gudoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in aanan la ogeyn inta doorashada Socoto isticmaalka Gaadiidka, marka laga reebo Gawaari gaar ah oo ay sheegeen in ay howl hayaan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

The post Doorashada Somaliland oo loo Dareeray. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author