Doonyo Lagu Wareejiyay Ciidamadda Ilaaladda Dekeda Bosaso

Ilwareed Online –

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ka hortega dambiyadda ee UNODC ayaa ku wareejisay Ciidamada ilaaladda Dekeda Bosaso labo doonyood oo ah nooca dheereeyee, taasi oo loogu talagalay in lagu horumariyo amniga dekeda iyo shaqada ciidamadda.

Doonyahan oo maanta lagu soo bandhigay dekeda Bosso waxaa adeegsan doono ciidamada Dekeda oo sanadihii la dhaafay tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka jabuuti iyo markiibta midowga yurub ee ilaaliya xeebaha  Soomaaliya.

” Labadan doonyood ee maanta la soo wareejiyay waxay ka mid ahaayeen mashaariic hay’adaasi ay ka wado dekeda Bosaso, waxaan ka mid ah dhismaha cusub ee casriga ah ee laga dhisay dekeda, baabuur lagu wareejiyay dekeda iyo mashaariic kale oo weli dhiman” sidaas waxaa horseedmedia u sheegtay Agaasimaha Wasaaradda Dekeda Cabdimajiid Samatar Jaafaan.



Mogadishu – Somalia


Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Doonyo Lagu Wareejiyay Ciidamadda Ilaaladda Dekeda Bosaso appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author