Diyaarado dagaal oo duqeeyay Fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaan ka mid ah Gobolka Sh/ Hoose

Ilwareed Online

Wararka aan ka helayno Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay duqeyeen Degaan u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo deegaankaasi la sheegayo inay Fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.


Aadan Cumar Madoobe Guddoomiyaha Degmada Baraawe ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal nooca kuwa Duuliye la’aanta ah ay duqeyeen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaan ku dhow Degmada Baraawe, wuxxuuna sheegay Gudoomiyaha in la burburiyay Gawaari Dagaal oo ay Al-Shabaab halkaas ku haysteen.
Dhanka kale khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaan ilaa iyo hadda la ogayn, iyadoo sidoo kale aysan jirin cid sheegatay Duqayntaasi, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay gaysteen ciidamo Marakan ah.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Diyaarado dagaal oo duqeeyay Fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaan ka mid ah Gobolka Sh/ Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author