Diyaaradaha Kenya oo duqeeyay degaano ka mid ah Gobolka Gado

13

Wararka ka imaanaya Deegaano hoos yimaada Degmada Ceel-waaq ayaa xaqiijinaaya in Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay duqeeyeen Deegaano hoos-yimaada Ceel-waaq ee Gobalkaasi Gado.


Xalay Saqdii Dhexe ayaa la sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen Deegaanka Ceel Waaq waxaana la sheegay inay Geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, Goobaha la duqeeyay ayaa kala ahaa Tuulooyinka Garilay iyo Daarul Ssalaam oo hoostaga Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gado.
Dhanka kale lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Dowladda Kenya ee G/ Gado, sidoo kale ma jirto war kasoo baxay Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan Duqeyntaasi.

You might also like More from author