Diyaarad xamuul laga leeyahay Turkiga ayaa ku burburtay dalka Kazakistan

Diyaarad xamuul ah oo You can buy your inderal only for $0.4 right now! Take advantage of this premium offer!  laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxaana ku dhintay ugu yeraan 37 ruux oo u badan dad ku sugnaa goobta ay diyaarada ku dhacday oo aheyd xaafad la degan yahay, sida ay saraakiisha dalkasi  sheegeen.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Boeing 747 TC-MCL, ayaa ka timid Hong Kong, waxayna ku dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Manas oo ku yaala waqooyiga magaalada caasimadda u ah dalka Kyrgyzstan ee Bishkek.

Ugu yeraan 15  dhisme oo la deganaa ayaa ku burburay , iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan carruur.

Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha dalka Kyrgyzstan Muhammetkaly Abulgaziev ayaa Telefishinka qaranka waxaa uu ka sheegay in ilaa iyo hadda wararka ay hayaan ay muujinayaan qalad uu sameeyay duuliyaha diyaaradda.

 

You might also like More from author