Diyaarad goordhow ku bur burtay iyadoo holcaysa Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho+Sawiro

Waxaa Daqiiqado ka hor in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay ku bur burtay Diyaarada ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Diyaarada burburtay ayaa waxaa iska lahayd Shirkada Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM, waxana la sheegay inay lugaha u bixi waayeen islamarkaana dhowr jeer ay Garoonka Dushiisa ku soo wareegtay.
Diyaaradaan ayaa waxay sitay Saraakiil Ajnabi ah welina lama shaacin khasaaraha ka dhashay burburka Diyaarada, iyadoo gebi ahaanba la hakiyay howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo diyaarado saakay duuli lahaa la joojiyay.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha ku jira gawaarida Dab demiska kuwaasi oo wada dadaal la xiriira sidii ay u demin lahaayeen diyaarada gubanaysa.

The post Diyaarad goordhow ku bur burtay iyadoo holcaysa Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho+Sawiro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author