Dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Laas-caanood

Magaalada Laas-caanood ee You can save big on the purchase of your decadron, if you know where to look for it. We’ve got it at only 0.48 USD for you! Gobolka Sool xalay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa goobo kala duwan waxa ay ku dileen Labo Qof oo shacab ah, kuwaasi oo markii ay dilalka geysteen ka baxsaday goobta.

Dadka Degaanka ayaa waxay sheegeen Labada Qof ee la dilay oo Rag ah in lagu kala magacaabi jiray C/xakiin Ducaale iyo Jaamac Cabdi.

Ma jiraan ilaa iyo hada cid loo soo qab qabtay dilalka siyaabaha kala wudan uga dhacay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada Laas-caanood ayaa waxa ay wadaan baaritaano la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay dilalkan.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaheena Maxamed Cali Siyaad.

You might also like More from author