Dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada ciidamada booliska, taasoo qeyb ka ah qorshaha hormarinta cidamada booliska.

Taliyaha ayaa sheegay in ay kordhin doonaa tababarada ay siinayaan ciiidamada booliska, sidoo kalena ay u dhameystiri doonaan dhammaan agabka ay ku howlgalaan ciidamada.
Sidoo kale Gen. Saacid ayaa sheegay booliska in ay yihiin u adeegayaasha shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed loo baahan yahay in ay u dhimriyaan bulshada, isaga oo dhinaca kalana shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Waxaa uu ku amaanay ciidamada booliiska Soomaaliyeed qaabka ay uga qeyb qaadanayaan sugidda amniga.
Dhawaan waxaa Soomaaliya booqasho ku yimid taliyaha ciidamada booliiska dalka Talyaaniga isaga oo balanqaaday in uu ka qeyb qaadan doono dib-u-dhiska ciidamada.

The post Dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada booliiska Soomaaliyeed appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author