Dhibaatooyin hor leh oo ku soo kordhay beeraleyda Soomaaliya (Yaa ka dambeeya?)

Beeraleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku soo kordhay dhibaatooyin hor leh oo ku wajahan waxsoosaarka miraha qudaarta kala duwan, iyadoo laga digay in dhibaatadaasi ay saameyn ku yeelato u diyaar garowga xilli roobaadka xilliga guga oo fooda nagu soo haya.

Shamso Aadan Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada cilmiga beeraha ayaa faahfaahin ka bixisay dhibaatada heysata beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/hoose oo ay sheegtay inay la wareegeen ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku beeraya geed miroodka Liin Dhanaanta oo ay sheegtay inaysan wax faa’iido ah u lahayn beeraleyda.

“Inta badan beeraha ku yaala degmada Afgooye iyo agagaaraheeda waxaa lagu beeraa Liin Dhanaanta oo loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta” ayay tiri Shamso Aadan Xasan oo sheegtay in falkaasi ay ka dambeyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Mar ay ka hadleysay dhulka Soomaaliya ayay sheegtay inuu yahay mid ku wanaagsan beeraha oo adkeysi u leh abaarta iyo roob la’aanta muddo ka badan 20-sano oo roob la’aan ahna kaddib lagu beeran karo dalagyada kala duwan ee uu isticmaalo bani’aadamka.

Dood laga sii daayay idaacadda VOA-da oo ay ka qeyb galeen aqoonyahano iyo beeraley ku dhaqan degmada Afgooye ayaa welwel laga muujiyay sii fiditaanka dhibaatooyinka lagu hayo beeraleyda oo ka sokow abuurista Liin Dhanaanta uga sii Don’t know where you should look for an affordable arava deal? Rejoice and shine, because arava is available at our store for 1.76 USD! daran in hadana markii la soo gooyo liintii lagu werayo isla beertii dhexdeeda.

“Liin Dhanaanta waxay leedahay aashito waxay gubeysaa ama baabi’ineysaa dhammaanba geed miroodyada kale ee anfaca u leh shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri Aqoonyahan Shamso Aadan oo ugu baaqday beeraleyda inay joojiyaan abuurista geed miroodka Liin Dhanaanta.

Dhinaca kale gabadhaan cilmiga beeraha ku taqasustay ayaa ballanqaaday inay u istaageyso sidii loo caawin lahaa beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/hoose oo iyagu intooda badan abaar darteed uga soo barakacay degaanadoodii.

You might also like More from author