Dekadda Hobyo oo Lagu Wareejinaayo Shirkad Chines Ah

Ilwareed Online

Madaxwayanaha Dowlada Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa magaalada Muqdisho kula shiray wafdi ka socda dowlada Shiinaha kuwaa oo u socda qorsho ay kula wareegayaan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa mas’uuliyiinta u sharaxay suuragalnimada maalgashiga Dekadda iyo inay ka dayactiraan dhammaan dhaawacyada ku yaala, iyadoo uu qorshuhu yahay in la hormariyo.

Xaaf ayaa madaxda Shirkada ee daneyneysa la wareegida Dekadda u sheegay in Galmudug ay aad ula dhacsan tahay in xiligaan la helo shirkad maalgashi ku sameysan karta Dekadda isla markaana ku sameysa dayactir.

Hogaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa horay madaxdaan uga diiday in maalgashi ay ku sameeyan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Xaaf ayaa lagu wadaa inuu ka faa’iideysto fursada hortaal waxaana suuragal ah inay isku fahmaan heshiiska.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Dekadda Hobyo oo Lagu Wareejinaayo Shirkad Chines Ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author