DEGDEG: Qarax xoogan oo ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho

Wadada hor marta Dekedda Muqdisho ayaa goor dhow waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goob joogayaal ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu Don’t think that if you haven’t found an affordable solution for your Super Avana purchase, there’s no such thing, because we offer it only for 7.11 USD! geystay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii ka dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa daqiiqado kaddib gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray dhammaanba wadooyinka soo gala iyo kuwa baxa halka uu qaraxa ka dhacay.

Dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxa ayaa laga daadgureynayaa goobaha ganacsiga ee ku yaala wadada hareerteeda, iyadoo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo ogeyn xadiga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbineynaa Insha Allah.

You might also like More from author