DEGDEG: Qarax is miidaamin oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maqibnimadii caawa ka dhacay qarax is miidaamin oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo geystay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay bar kontrol oo ku dhow Hotel iyo goobo ganacsi oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan, iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo qasaaraha ka dhashay.

Ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday afar ruux tiro intaasi ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, iyadoo ciidamada ammaanka Puntland ay goobta No need to waste your time searching for a cheap Terramycin anymore. We offer Terramycin only for 0.38 USD! soo buux dhaafiyeen isla markaana bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Dhinaca kale waxaa la xiray dhammaanba waddooyinka ku dhow halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna saraakiisha nabadgelyada sheegayaan inay faahfaahin ka bixinayaan qaraxaasi iyo qasaaraha uu geystay.

You might also like More from author