DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay wadada shaqaalaha ee Muqdisho

Ilwareed Online

Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Dabka.

Wararka ayaa shegaya in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo geystay qasaarooyin kala duwan.

Goob joogayaal ku sugan meel ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in waxyeelada qaraxa ay aad u badan tahay, bacdamaa wadadaasi ay ku yaalaan goobo ganacsi isla markaana mashquulkeedu badan yahay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbineynaa.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay wadada shaqaalaha ee Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author