DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Ilwareed Online –

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama agagaarka saldhigga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid daryankiisa aad u weynaa ayaa geystay qasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti intaba.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, kaddib markii ciidamada ammaanka Dowladda ay isku gadaameen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Howlgallo baaritaano ah ayaa ka socda halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana jira burbur xoogan oo soo gaaray guryihii ka dhowaa iyo gawaari ka badan toban.

Dhinaca kale wadada Maka Al-Mukarama oo ah tan ugu mashquulka badan waddooyinka magaalada Muqdisho aaa qaraxaan wuxuu noqonayaa midkii labaad ee ka dhaca isla goobta uu maanta ka dhacay qaraxa.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author