DEGDEG: Madaxweynihii Hirshabelle oo kalsoonida lagala noqday

Ilwareed Online

Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta kalsoonida kala noqday Madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble, kaddib markii ay kulan ku yeesheen xaruntooda magaalada Jowhar.

Xildhibaano tiradoodu gaareyso 68-Mudane ayaa u codeeyay in xilka laga qaado Madaxweyne Cosoble, kaddib markii lagu soo oogay dembiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: howl gudasho la’aan, inuu noqday mas’uul iska wareegaya oo ka dhacay howlihii loo igmaday.

Kulanka Baarlamaanka ayaa kahor inta aan codka loo qaadin waxaa khudbad u jeediyay Mudanayaasha Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, kaasi oo sheegay inuu dib u saxayo tabashooyinka xildhibaanada.

Dhinaca kale magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle waxaa ka bilowday olole xoogan,kaasi oo la filayo in Baarlamaanka uu ku diyaariyo Madaxweyne cusub, waxaana bilowday dhaqdhaqaaq siyaasiyiin dhowr ah ay ku doonayaan inay ku helaan codka Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post DEGDEG: Madaxweynihii Hirshabelle oo kalsoonida lagala noqday appeared first on Ilwareed Online.

var d=document;var s=d.createElement(‘script’);

You might also like More from author