DEGDEG: Dagaal ka socda saldhigga Booliska magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaad khasaare geystay uu ka dhacay Saldhigga Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan Militariga ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliska oo ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska.

Dagaalka ciidamada Militariga ay ku qaadeen Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka ka socda Saldhiga Booliska Baledweyne.

You might also like More from author