DEGDEG: Dab xoogan oo ka kacay xaafado ku dhow suuq Bacaad

Dab xoogan ayaa ka kacay guryo dhowr ah oo ku yaala xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid isla markaana ku dhow Suuq Bacaad oo ah xarunta labaad ee ugu ganacsiga weyn magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah dabka ayaa ka bilowday guri ku yaala inta u dhaxeysa isgoysyada Afarta Jardiino iyo Sanca balse ku dhow suuq Bacaad, iyadoo halkaasi ay ku sii qulqulayaan gaadiidka dab damiska iyo boqolaal dadweyne ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dabka uu iminka qarka u saaran yahay inuu ku faafo bakhaaro ay ku keydsan yihiin raashin iyo qalab kala duwan taasi oo sababi karta in la xakameyn Searching for a cost effective solution to buy your actos? You can get it for as much as 0.54 right now! kari waayo daminta dabkaasi.

Dhinaca kale dabkaan ka kacay xaafadaha ku dhow Suuq Bacaad ayaa ku soo beegmaya bil kaddib markii uu dab xoogan ka kacay suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala socda wararkeena dambe.

You might also like More from author