Deg deg : Xildhibaanada Galmudug oo ku dhawaaqay inay Xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf

Ilwareed Online

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa Daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inay Xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug, kadib markii ay ku shireen Magaalada Cadaado oo Xarunta KMG ah Maamulkaasi.

Shirka ay yeesheen Xildhibaanada ayaa waxaa soo xaadirtay ilaa 55 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlaanka Galmudug, xildhibaanada 52-ka mid ah ay ogolaadeen xil ka qadista madaxweynaha, halka 2 ay ka aamustay 1 Xildhibaana uu diiday xil ka qaadistaasi.

Xubnaha Xildhibaanada xil ka qaadista ku dhawaaqay ayaa waxaa kulanka ay yeesheen ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen kaas oo ay sheegeen inuu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku taageerayo Xil ka qaadistii Caawa ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug Madaxweynaha Maamulkaasi Axmad Ducaale Geelle Xaaf.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay sax tahay xil ka qaadista iyo go’aanka Xildhibaanada ka soo baxay, isagoo sheegay inay jiraan Qodobo Dastuurka Galmudug iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka u ogolaanaya inay talaabadaasi qaadi karaan.

Axmed Shariif iyo Liiban Shuluq oo ahaa gacan hayihii Madaxweynihii hore ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Hotel ku yaal Magaalada Cadaado ku qabtay kulan ay isugu keeneen Xildhibaanada Galmudug halkaasina lagu qabtay mooshin looga qaaday talada madaxweynimo ee Galmudug.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Deg deg : Xildhibaanada Galmudug oo ku dhawaaqay inay Xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author