Dagaal saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe.

Ilwareed Online

Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo saldhig ku leh deegaan u dhaw degmda Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Dagaal oo mudo socday ayaa waxaalabada dhinac ka soo gaaray khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, lamana oga inta qof ee labada dhinac uga soo gaaray Degmada Balcad.


Dagaalka ayaa ka dhacay Saldhigga Ciidanka Dowladda ee deegaanka Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe wuxuuna ka mid ahaa deegaanada fara ku tiriska ah oo ay xaalad daganaan ah ka jirtay sanadiihii la soo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa qabsatay deegaanka waqti kooban waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in hadda ay xaaladda dagan tahay waxaana ka baxay Shabaabkii qabsaday.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Dagaal saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author