Dagaal Ciidamo ka tirsan Dowladda ku dhex maray D/Warshiikh.

Dgaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Degmada Warshiikh ee Shabeelaha Dhexe waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Ugu yaraan Shan qof oo isugu jiro shacab iyo Ciidan ayaa ku dhintay in ka badan 10 qof oo kalane waa ay ku dhaawacmeyn ka dib markii uu dagaal Culus Xaafada ka tirsan Degmada Warshiikh ku dhax-maray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo qoodhe uu weeraray Xarunta Degmada iyo Saldhigga waxaana ku dhintay dad Badan sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmada.

Rasaas ayaa wali laga maqlayaa Goobihii lagu dagaalamay waxaana la ogeyn ilaa hadda waxa uu salka ku haayo dagaalkaan ka socda warshiikh.

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada oo aan la hadalnay ayaa ii sheegay in ay rasaas ku socoto oo aysan xiligaan hadli karin waxaana laga yabaa in uu qasaaraha intaasi ka bato.

The post Dagaal Ciidamo ka tirsan Dowladda ku dhex maray D/Warshiikh. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author