Dagaal Al-Shabaab saakay ku qaaday Magaalada Mandheere ee Dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Kenya ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Al-Shabaab saakay ay weerar Want to save some money on your Dramamine purchase? No problem! Get Dramamine for 1.02 USD only! khasaaro geestay ku qaadeen deegaano ka tirsan Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari dalka kenya.


Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jillow oo ku dhow Magaalada Madheera,waxana la sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen laba qof oo Shacab ah halka weli la la’yahay laba Askari oo la xaqiijiyay inay ka mid ahaayeen Ciidamada Booliiska dowladda kenya kuwaas oo ku sugnaa goobta la weeraray ee Cumar Jillow oo ku tirsan Magaalada Madheera.
Waxaa la soo sheegayaa in goobtii weerarka uu ka dhacay ay kala carareen dadkii ku sugnaa Goobta kuwaas oo u badnaa dad Shacab ah iyo Ganacsato, waxaana xiran goobihii Ganacsi ee ku yaalla deegaanka Cumar Jillow,iyadoo halkaasi ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo fara badan oo Kenyaan ah.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Cumar Jillow ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay dagaalkaasi saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.

You might also like More from author