Dad shacab ah oo ku dhintay magaalada Gaalkacyo

Ilwareed Online

Wararka inaga soo gaaraya caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku geeryoodeen laba qof oo shacab ah, kadib markii ay la duntay Suuli.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin Injineer ah oo qiimeyn ku sameynayay goob dhismo lagu bilaabi rabay ay la duntay Suuli, kadib dadka qaar oo halkaasi ku sugnaa ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan Injineerka.

Inta la xaqiijiyay Injineerkii iyo nin kale ayaa ku geeryootay godka Suuliga ee la dumay, halka sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay ilaa Afar qof, kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay, si halkaasi loogu dabiibo.

Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin ka tirsan degmada ayaa waxa ay gaareen goobta ay dhacdadan ka dhacday, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Dad shacab ah oo ku dhintay magaalada Gaalkacyo appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author