Dad shacab ah oo Al-Shabaab kula dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaankaka lagu magacaabo Butaale oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dad shacab ah iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen deegaankaasi.

Dagaalka oo dhaliyay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac ayaa iminka u muuqda mid ay guusha ku raacday dadka degaanka, kaddib markii Al-Shabaab looga itaal roonaaday.

Inta la ogyahay afar qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhexmaray If you are looking for cheap Moduretic, but still are unsuccessful, you can enjoy buying it for only 0.98 USD right now at our online store! Al-shabaab iyo dadka rayidka ah,waxaana deegaanka lagu dagaalamay uu 20km dhinaca Koofureed uu ka xigaa degmada Maxaas.

Dhinaca kale xaaladda deegaanka ayaa lagu waramayaa in wali ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka xoolaha dhaqatada ah ee deegaanka iyo Al-shabaab.

You might also like More from author