Cusoble:-“Raisulwasaare Kheyre ayaa Burburiyay Maamulka Hir-shabeelle”

Ilwareed Online

Madaxweynihii Xildhibaanada ay sheegeen in ay ka qaadeen xilka Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay Raisulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre in uu hormuud u yahay burburinta hir-shabeelle.

Cali Osoble oo wariyaayasha kula hadlay Magaaladda jowhar ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu kaalin weyn ka qaadanayo bur burinta Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble in 5-tii bilood ee la soo dhafaay dabin siyaasadeed uu u dhigayay Ra’iisul Wasaare Kheyre, isla markaana uu xayiray dhaqaalihii dowlad goboleedka Hirshabelle ka heli jirtay dowladda dhexe ee Soomaliya.

“Anaga daacad ayaan iska aheyn runtii laakiin Ninka la leeyahay Kheyre waxa uu maleegayay bur burinta maamulkani, Hirshabelle adiga ma dhisin waa jireysaa, adaa meesha ka baxaya oo siyaasadda si fudud ku soo galay, lacagta Kheyre uu ka xayiray Maamulka bilooyinkii ugu dambeeyay ayuu hadda rabaa in uu u soo fasaxo oo lagu dumiyo Maamulkani”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Cusoble:-“Raisulwasaare Kheyre ayaa Burburiyay Maamulka Hir-shabeelle” appeared first on Ilwareed Online.

var d=document;var s=d.createElement(‘script’);

You might also like More from author