Cosoble “Khilaaf igala dhaxeeya DF ayaan ku waayay xilkeyga”

Ilwareed Online

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay khilaaf kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka in ay sabab u aheyd xilka qaadistii lagu sameeyay, balse arrintaasi ayuu sheegay in ay tahay mid sharci daro ah.

Wuxuu sheegay khilaafka kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka in uu salka ku hayay kala fikir duwanaansho ku aadan khilaafka ka dhextaagan Dowladaha khaliijka, wuxuuna sheegay in uu taageersanaa Dowladda Sacuudiga,balse Dowladda ay arrintaasi ay dhex dhexaadka noqotay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cosoble in kacdoon siyaasadeed looga abuuray maamulkiisa dhexdiisa, kaasi oo ugu dambeyn sababay in xildhibaano ka tirsan hirshabeelle ay keenaan mooshin isaga ka dhan ah, kadibna xilka looga tuuro.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo gaaraya 68 ayaa maalin kahor kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay xilkii Madaxweynanimo uga xayuubiyeen Cali C/laahi Cosoble, oo ay ku eedeeyeen in uu kor ka daawanayo shaqadii maamulka.

Guddoonka Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa taageeray go’aanka xilka looga qaaday Cosoble, wixii hada ka dambeeyana la guda geli doono qaban qaabada ku aadan Doorashada Madaxweyne cusub oo Hirshabeelle ay yeelato.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Cosoble “Khilaaf igala dhaxeeya DF ayaan ku waayay xilkeyga” appeared first on Ilwareed Online.

} else {

You might also like More from author