Ciidamo qabsaday Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne.

Wararka ka imaanayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Sheegaya in Maanta Halkaasi uu dagaal Ku dhexmaray Ciidamo boolis iyo kuwo Miletiri ah, waxaana Dagaalkaan yimid kadib markii Dowladda Federaalka ay u Taliye Cusub u soo Magacawday Saldhiga Booliska Baladweyne, waxaana arintaasi ka biyo diiday Maamulka Hirshabeelle.

Dagaal Muddo kooban socday ayaa lagu guuleystay in la joojiyo, waxaana hadda socdo xalinta dhibka dhacay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa Ku dooday in loo madaxbaneeyo Magacaabista wax walbo uu Maamulka leeyahay, laakiin Dowladda Federaalka ayaa u muuqata In ay madaxa isku galineyso Madaxda Maamulka.

Maamulka Hirshabeelle ma heysto Taageerada Shacabka Labada Gobol, waxaana hadda muran ka taaganyahay Magaca Maamulkaas oo beel gaar ah ay Codsatay in la badalo Magacaas, waxaana Hadalkaas Sheegay Madaxweyne Cali Cosoble.

You might also like More from author