Ciidamo Mareykan ah oo si qarsoodi ah loogu daabulayo Somalia isuna diyaarinaya weerar ka dhan ah Al-shabaab iyo Madaxweyne Farmaajo oo fasaxay in howlgalkaas uu qabsoomo y

Ilo wareedyo milatari oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamo mareykan ah oo aad u badan loo daabulayo dalka Somalia kuwaas oo la sheegay in ay weerar ku qaadi doonaan kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia.

warka ayaa intaas kudaraya in weerarka ay qaadi doonaan ciidamadan mareykanka ah uu isgu jiro mid cirka iyo dhulkaba ah kaas oo lagu bartilmaameedsan doono goobaha ay ka taliyaaan Kooxda Al-shaaab, howlgalnkan ka dhanha Al-shaab ayaa waxaa fasaxay oo si buuxda ku ogolaaday islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo isna dhawaan iclaamiyay dagaal ka dhanka kooxdaas Al-shabaab, isagoo u qabtay muddo kooban in lagu soo afjari doono kooxda diidan dowladdisa.

lama oga ilaa iyo hadda in howlgalkan uu mareykan damacsanyahay in uu Somalia ka fuliyo ee ah weerar uu qaado goobaha ay maamulaan Al-shaab in uu qeyb ka yahay iyo kale ballan-qaadkii uu madaxweyne Farmaajo ballan qaaday in laga adkaan doono kooxaha uu ku tilmaamay in ay yihiin nabadiid.

Hadii ay dhacdo in mareykanka uu fuliyo weerarkan cirka iyo dhulkaba isugu jira ayaa walwalka ugu weyn waxa uu yahay waxyeelada soo gaari doonta dadka maatida ah ee ku nool deegaanada ay Shabaabku maamulaan, kuwaas oo aan u taag helin islamarkaana aan awoodin in ay ka xeeladeystaan duqeymaha iyo dirirta u dhexaysa  labada dhinac ee hardamaya… waxaana isweydiin mudan Looking for affordable costs for your kamagra oral jelly? Get it for only 5.55 USD here! cidda qaadaneysa masuuliyadda dhibaatada soo gaarta dadkaasi rayidka ah, waxaana jirta in dhinacyada dagaalamaya uu mid waliba dusha kaga tuuro midka kale in uu masuul ka yahay waxa ku dhaca shacabka aan wax galabsan ee lagu dul dagaalamayo.

Ugu dambeyntii Marakeyka ayaa faragalin toos ah ku sameeyay Somalia sanaddii 1993 xilligaasi oo dagaal xoogan uu la galay mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii xilligaa jiray, iyodoo markii dambe uu Mareykanku ciidankiisi kala baxay Somlia, hasayeeshee muddooyinkii dambe ayuu Mareykanku waxa Somalia ka fulinaayay weerar cirka iyo dhulkaba isugu jiray oo qaarkood si gadmo ah uga fulinaayay goobaha ay ka tilyaan kooxda Al-shabaab  ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia.

You might also like More from author