Ciidamo Kenyaan oo galay Gacanta Al-Shabaab iyo Faahfaahinta Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Omar Jillo.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Weerar Al-Shabaab ay aroortii hore ee saakay ku qaaday degaanka Cumar Jillow oo ka mid ah degaanada oo hoos yimaada Magaalada This is a one-time offer, and if you don’t want to miss it, act now! buy Betapace for 1.03 USD and not a single penny more! Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.


Degaanka la weeraray ayaa 16 Km u jira Magaalada Mandera, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay sheegeen in dableyda hubeysan ay toogasho ku dileen gudoomiyihii degaanka Cumar Jillow sidoo kalena ay dhaawaceen Askar kale.
Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa la sheegay in 2-Askar oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya sidoo kale ay gacanta ku dhigeen, waxaana la sheegay inay u soo kaxeysteen dhanka Soomaaliya.
Dhanka kale askari ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay ayaa Wargeyska the Star ee ka soo baxa Kenya u sheegay in maleeshiyaadkii soo weeraray deegaankaa ay toogteen gudoomiyihii degaanka Cumar Jillow oo ay ku dhufteen lix xabo labo Askarina waa ay Afduubteen, wuxuuna sheegay Asjarigaa inuu isagu baxsaday.

You might also like More from author