Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Tababar loo soo xiray

Ilwareed Online

Xuseen Cali Xaashi oo ah Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in siminaar kooban ay siiyeen ilaa 15 Askari oo isugu jira Rag iyo Dumar.


Taliye ku xigeenka ayaa sheegay intii uu socday Tababarka in lagu baray ka hortaga tacadiyada loo geysto Dumarka, xanaanada caruurta iyo sida loo xaliyo khilaafaadyada.

“Ciidamada Tababarka u dhamaaday waxaan kula dardaarmayaa inay wixii ay barteen u gudbiyaan bulshada qeybaheeda kale si ay uga faa’ideeyaan casharadii ay barteen, si isbedel loo dareemo” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Tababar loo soo xiray appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author