Ciidamo Cusub Oo Ka Socda Ugandha Oo Muqdisho Ka Soo Degay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah oo sitay ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo badalay ciiddamo mudo sanooyin ah ku sugnaa gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradda keentay ciidamadaan ayaa waxaa ay qaatay hal Battle-ka 19-aad ee ciidamada Ugandha, kuwaasoo in mudo ah ka howlgalayay magaalada Marka iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada la badalay ayaa waxaa shahaadooyin iyo bilado geesinimo ah gudgeon siiyay taliyaha ciidamada Ugandha qeybta mudada howlgalka ah dhameysatay ee maanta u duulay Uganda.Booska ay baneeyeen ayaa waxaa buuxinaayo battle-ka cusub ee isla maanta kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


You might also like More from author