Ciidamada Xasilinta iyo Kuwa Milatariga oo is rasaaseyn ku dhexmartay Kaaraan iyo Gudoomiye Waaxeed halkaasi lagu dilay.

Ciidamada Xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay Baaritaano xoog leh waxay ka wadaan Xaafadaha Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir waxaana meelaha Qaar ka dhacay isku dhacyo ay kala hortagayn Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa la sheegay inay Ceyrsadeen Ciidamo kale oo milatari ah kuwaas oo ku sugnaa Degmada Kaaraan iyadoo wali uu baaritaanku ka socda Degmadaasi.iyadoo Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir uu sheegay inuu ku dhintay Gudoomiye Waaxeedkii xaaafadda Jamhuuriya ee Degmadaasi.
Gudoomiye Waaxeedka ku dhintay gacanta Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Dhagay oo loo yaqaanay Cabdi Jiis.

Xarunta Degmada Kaaraan ayuu dagaalka ka dhacay waxaana la sheegay inay socotay Dhowr daqiiqo waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray Ciidankii dagaalamay.

Dhanka kale Degmada Kaaraan ayaa la sheegaa inay tahay Degmada ugu Amniga Wanaagsan Markii loo eego Degmooyinka Kale waxaana daggan Mas’uuliyiinta ugu badan ee Dowlada federaalka Soomaaliya.

The post Ciidamada Xasilinta iyo Kuwa Milatariga oo is rasaaseyn ku dhexmartay Kaaraan iyo Gudoomiye Waaxeed halkaasi lagu dilay. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author