Ciidamada Sacuudiga oo Fashiliyay weerar ka dhacay Qasriga Boqortooyadda Sacuudiga ee Jeddah

Ilwareed Online

Jeddah: Ciidamada ammaanka dalka Sacuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay koox hubeysan ku qaadeen Qasriga Boqortooyadda Sacuudiga ee ku yaala maagalada Jida ee dalka Sacuudiga.
Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa baahiyay in koox hubeysan ay weerareen qasriga boqorka ee la yiraahdo Al-Salaam, iyadoo Qasirigaan uu dhow yahay xeebta magaalada Jida waxaana heegan la galiyay ciidamada ammaanka,iyadoo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.


Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in hal ruux oo loo malaynayo inuu ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday iyo 2 askari oo illaaladda qasriga ahaa inay weerarkaasi ku dhinteen.
Dhanka kale Dowladaha reer galbeedka ayaa dadkooda Sacuudiga jooga u diray digniin ah inay feejignaan galaan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamada Sacuudiga oo Fashiliyay weerar ka dhacay Qasriga Boqortooyadda Sacuudiga ee Jeddah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author