Ciidamada Kenya oo Kismaayo ka bilaabay dhaqdhaqaaq ay uga guurayaan Saldhigyada ay degan yihiin

Ilwareed Online

Ciidamada dowladda Kenya ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga baxaan Magaalada Kismaayo.

Saldhigyada Ciidamada Kenyan-ka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo, ayaa la soo warinayaa inuu ka socdo dhaqdhaqaaq ku aadan ka bixista Ciidamada Kenya ee Magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay inuu jiro dhaqdhaqaaqa socda ee ku aadan qorshaha Kenya ay doonayso inay uga baxdo Kismaayo, balse aysan faah faahin badan ka haynin.

Markab ku soo xirtay Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la soo sheegaya in xalay lagu raray qaar ka mid ah gawaarida gaashaaman ee Ciidanka Kenya, kuna buufsan astaanta Midowga Afrika ee AU.

Markab kale oo kuwa xamuulka ah, ayaa waxaa la fillaya in uu dhawaan ku soo xirto Dekeda Kismaayo, si uu uga daabulo gaadiid iyo qalab kale, oo ay haystaan Ciidanka Militariga Kenya.

Dhawaan ayeey aheyd markii Ciidamada Kenya ay isaga baxeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamada Kenya oo Kismaayo ka bilaabay dhaqdhaqaaq ay uga guurayaan Saldhigyada ay degan yihiin appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author