Ciidamada Kenya oo Faarujiyay intooda badan Fariisimadii ay ku lahaayeen Jubada Hoose.

Ilwareed Online

Wararka aan ka helayno Gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Kenya ayaa la xaqiijiyay inay isaga baxeeb inta badan Saldhigyadii ay ku lahaayeen gobalkaasi, iyadoo goobaha ay ka baxeen ay ka mid yihiin Saldhigii ugu weynaa ee degmada Dhooblay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa sheegaya in Milatariga Kenya ay baneeyeen Saldhigoodii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen Degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, sidoo kale Ciidanka ayaa ka baxay Saldhigii ay ku lahaayeen Jaamacadda magaalada Kismaayo iyo Saldhigii ay ku lahaayeen degmada Af-Madow ee gobalka Jubada Hoose.


Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay hadda ku sugan yihiin 3- Saldhig oo kaliya oo kala ah Garoonka Kismaayo ,Dekedda iyo deegaan hoos yimaad degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.
Ciidamada Milatariga Kenya ayaa horay isaga baxay dhamaan Saldhigyadii ay ku lahaayeen Gobalka Gedo, marka laga reebo deegaan ku yaalo duleedka Ceel-waaq .
Dhanka kale lama oga sababta ka dambaysa ka bixitaanka Ciidamada Kenya. hase yeeshee Ciidamada Kenya ayaa Lagu eedeeyay in duqeyn aan kala sooc laheyn ka geystaan meelo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gedo iyo Jubooyinka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamada Kenya oo Faarujiyay intooda badan Fariisimadii ay ku lahaayeen Jubada Hoose. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author