Ciidamada Itoobiya oo Xudur ku rasaaseeyay diyaarad qaad siday

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Itoobiya ay rasaas ku fureen diyaarad Qaad siday.

Qasaaraha ka dhashay rasaasta lagu furay diyaaradda ayaa la sheegayaa inuu dhaawac gaarsiiyay dhinaca lugaha ay ku socoto, taasi oo sababtay in diyaaradda iyadoo dhulka ku socota ay horay u gasho meel ka baxsan wadadii ay ku socotay.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradda ayaa diiday amar lagu joojinayay inay ka duusho garoonkaasi, isla markaana ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid wax ku noqotay rasaasta lagu furay diyaaradda, iyadoo maamulka degmada Xudur iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ay iminka ka arrinsanayaan xaaladda diyaaradda oo madax ka tirsan shirkadda iska leh iyo ganacsatada qaadka ku rartay ay ka yeelayaan shilka halkaasi ka dhacay.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamada Itoobiya oo Xudur ku rasaaseeyay diyaarad qaad siday appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author