Ciidamada Itoobiya oo gebi ahaan isaga baxay gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay isaga soo baxeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa faarujiyay Degaanka Ceel-la-helay oo u dhaxeeya Degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Ciidamada Itoobiya ay isaga soo dhaqaaqeen fariisimo ay ku la haayeen Degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda qaarkood ayaa sheegay in aysan waxba kala socon sababta ay Ciidamadan uga baxeen qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo goobaha ay soo faarujiyeen Ciidamada Itoobiya.

Ilaa This is a one-time offer, and if you don’t want to miss it, act now! Buy diabecon for 79.6 USD and not a single penny more! iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ku aadan sababta keentay in ay isaga baxeen Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

You might also like More from author