Ciidamada Ethiopia oo isaga baxay Ceelbuur iyo Al Shabaab oo la wareegay

Ciidamada Ethiopia ayaa maanta isaga baxay Saldhigyo Waaweyn ay ku lahaayeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Waxyar kadib ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ay iyaguna halkaas isaga huleeleen Ciidamada Dowladda Federaalka Sooamaliya ee ku You can buy your dilantin for only 0.66 USD, so don’t waste another minute searching and take advantage of our premium offer! sugnaa degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in durba gacan ku heynta degmada Ceelbuur ay la wareegeen Ururka Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa Shabelle u xaqiijiyay ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee degmadaasi iyo la wareegitaanka Al Shabaab.

Ilo ku sugan degmadaasi Ceelbuur ayaa ku soo warramaya in Ciidamada Ethiopian-ka ee isaga baxay degmadaasi Ceelbuur ay u ruuqaansadeen dhanka Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

You might also like More from author