Ciidamada Dowldda oo Al-Shabaab kala wareegay Degaano hoostaga Degmada Baraawe.

#Ilwareed Online – #

Wararka laga helayo Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoos yimaada Magaalada Baraawe oo xarun u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.


Madaxda Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deeganaadaaasi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan looga hadlayay xoojinta Amniga wuxuu magaalada Baraawe kula yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooggga dalka iyo kuwa AMISOM.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

The post Ciidamada Dowldda oo Al-Shabaab kala wareegay Degaano hoostaga Degmada Baraawe. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author