Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kuwa Wajahan deegaanka uu joogo Abuu Mansuur si ay Gurmad ugu fidiyaan

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegayaa in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa u dhaqaaqay halka uu Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur kaga sugan yahay Bakool.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa xaqiijiyay in Gurmad Ciidamo ah inay u direen degaanka Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu kaga sugan yahay Gobolka Bakool, si ay uga soo badbaadiyaan gacanta Al-Shabaab oo la sheegay inay doonayaan inay ka taqalusaan intii uusan la kulmin Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.
Ujeedka Ciidamada Dowladda ay gurmadka ugu fidinaayaan Abuu Mansuur ayaa lagu sheegay inuu yahay in Abuu Mansuur ka badbaadiyaan ururka Al-Shabaab, oo la sheegay inay hareereeyeen halka uu ku sugan yahay.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay gaareen Deegaanka Baano oo qiyaastii 8-KM u jirta Deegaanka Abal, oo ah halka uu ku sugan yahay Abuu Mansuur.
Dhanka kale Mareykanka ayaa dib ula noqday abaalmarin lacageed oo dhan Shan Milyan oo la siin lahaa cidii keenta war iyo wacaal lagu soo qaban karo amaba lagu khaarajin karo Abuu Mansuur.

The post Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kuwa Wajahan deegaanka uu joogo Abuu Mansuur si ay Gurmad ugu fidiyaan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author