Ciidamada Dowladda oo Xalay Muqdisho ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa xalay Howlgallo Guri Guri ah ka sameeyay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, iyadoo mudadii uu halkaasi socday Howlgalka lagu qab qabtay Dad gaaraya 200 oo Ruux.


Howlgalkaasi ciidamadu ay sameeyeen kadib kala saaray dadkii lagu soo qab qabtay ayaa intii badneyd la sii daayay, iyadoo dadka qaarkiisa welu jira gacanta Hay’addaha Amniga oo ay hadda baaris ku haya dadkaasi, baaritaanada ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadu ay ogaadaan xiriirka dadkaasi ay hayaan la leeyihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo in kale.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Degmada Wadajir Xalay lagu qabtay Sargaal ka mida ah Al-Shabaab oo hadda ku jira Gacanta Ciidamada Dowladda.
Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Dowladda ma sheegin Magaca Sargaalka lagu qabtay Howlgalka Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo labada degmo ee xalay howlgalka laga sameeyay ayaa ahaa kuwo ay ka dhacaan Dilal Qorsheysan oo ay Fuliyaan Kooxaha dadka dila.

The post Ciidamada Dowladda oo Xalay Muqdisho ku qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author