Ciidamada Dowladda oo isaga baxay Degaanka Mareerey iyo Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaankaasi

Wararka laga helaayo Degaanka Mareerey ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Shalay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen Degaankaasi markii ay maqleen in Ciidamadii dowladda halkaasi isaga baxeen.
Dadka deegaanka Mareerey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si buuxda ula Wareegeen Degaankaasi oo hoos taga Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Sidoo kale ma ahan markii ugu horaysay oo ay Ciidamada Dowladda ay isaga baxaan Deegaan ay Shabaab ka qabsadaan, iyadoo dhibaato Xoog leh ay soo gaarto Dadka lagu dul dagaalamayo ee ku nool deegaanka gacan hayntiisa loo dagaalayo.

We’ve got the best trazodone prices you can find on the market nowadays. Purchase your trazodone at our store for 0.99 USD today!

You might also like More from author