Ciidamada Dowladda oo Dib ula Wareegay Deegaanka Bariire ee G/Sh/|Hoose

Ilwareed Online

Xilli saakay Al-Shabaab ay Weerar Xoog leh ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Dowladda ee Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Degaanka Guud ahaanba dib ula Wareegay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa saakay qabsaday qeybo ka mid ah Degaanka Bariire,waxaana Dagaalkii ka dhacay Degaanka uu Khasaare ka soo gaaray Dhinacyadii Dagaalamay iyo Dad Shacab ah .


Dhanka kale Ciidamo Gurmad ah oo ka baxay Qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Weerar Rogaal Celis ah ku qaaday degaanka, iyadoo ay Gacanta ku dhigeen Degaanka Bariire, islamarkaana waxaa u suurtashay inay meesha ka saaraan Al-Shabaab oo halkaasi markii hore laga qabsaday Bishii hore Augusto.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Ciidamada Dowladda oo Dib ula Wareegay Deegaanka Bariire ee G/Sh/|Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author