Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Bakool

Dagaal qaraar ayay wararku sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwaAl-Shabaab uu ku dhexmaray degaanka Ceel-lahelay oo hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.


Wararku waxay sheegayaan in Dagaalka uu socday muddo Saacado ah wuxuuna dagaalkaasi Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.
5 Qof oo labada Dhinac ah ayaa la Xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dhinteen,wuxuuna dhaawacu uu gaarayaa illaa 10 kale sida ay sheegeen dadka deegaanka Ceel-la helay.
Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Weerarka soo qaadeen islamarkaana ay ku jabiyeen Dagaalka Shabaabkii wax soo weeraray.

The post Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Bakool appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author