Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaalamay duleedka degmada Balcad

Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in 4 Askari ay ku Geeriyootay 9 kalana waa ay ku dhaawacmeen Qarax iyo dagaal fool ka fool ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku qabsaday Tuulada Gololeey ee duleedka Degmada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada khasaaraha uu ka soo gaaray Qarax Miino oo lala eegtay in dagaal iyaga iyo Al Shabaab u dhexeeyay oo ka dhacay Tuulada Gololeey.

Ciidamadaan ayaa la socday Kolonyo ka soo ambabaxay deegaanka Xawaadleey kuna sii jeeday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

The post Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaalamay duleedka degmada Balcad appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author