Ciidamada AMISOM oo weeraro Qaraxyo ah lagula eegtay Deegaan ku dhow Number 50.

Wararka laga helaayo Degaanada Caddow Dibile iyo Number 50 oo ka wada tirsan Sh/Hoose ayaa sheegaya in Qaraxyo lagula beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo deegaanadaasi marayay.
Ciidamada AMISOM ayaa markii hore ka tagay magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadaasi ku sii jeedeen Degaanka Shalaanbood, iyadoo la weeraray markii ay marayeen Degaanka Caddow Dibile ee Gobolka Sh/Hoose,waxaana ka dhashay weerarkaasi Khasaare aad u balaaran sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi ku sugan.
Dhanka kale Gaari sahay u siday Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in lagu Qarxiyay Degaanka Number 50 ee Sh/Hoose, iyadoo Al-Shabaab Barahooda Internetka ku sheegeen inay Dhimasho iyo Dhaawac gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Make sure that you check our benadryl offers, because you can get it for only 2.41 USD at our store!

You might also like More from author