Caruur ka Soo Baxsatay Al-Shabaab oo isku Soo Dhiibay Dowlada Soomaaliya *Dhageyso*

Ilwareed Online

Maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaah dhexe ayaa waxa ay sheegeen in deegaankaas ay soo gaareen caruur aad u da’yar kuwaas oo ka soo cararay deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Muuse Maxamed Kaliil Gudoomiyaha Degmada Cadale ee Maamulka Hir-Shabeelle oo Warbaahinta kula hadlayay degmaadaas ayaa sheegay in ay hayaan Caruur gaareysa ilaa 200,kuwaas oo ka soo cararay ilaa 5 Tuulo o hoostagta degamda Cadale.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in uu ugu baaqayo Hay’addaha deeqaha bixiya Maamulka Hir-Shabeelle iyo talisyada Ciidamada Meleteriga iyo Booliiska Soomaaliya in ay qaadaan talaabo lagu badbaadinayo caruurtaan.

Deegaano badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ayaa waxaa dhacda mararka qaar in ay Caruur farabadan ay u tababaraan sidii ay uga barbar dagaalami lahaayeen.


http://wardoon.net/wp-content/uploads/2017/08/TOP-DHAGEYSO-Caruur-ka-Soo-Baxsatay-Al-Shabaab-oo-isku-soo-Dhiibay-Dowlada-Soomaaliya.mp3



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Caruur ka Soo Baxsatay Al-Shabaab oo isku Soo Dhiibay Dowlada Soomaaliya *Dhageyso* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author