Cabdiwali Sh. Ibrahim Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad , ayaa ku guuleyatay labada gudoomiye ku xigeen ee Baarlaanka DFS

Natiijada oo lagu dhawaaqay ayey kala heleen labadii xildhibaan ee ku tartameyey Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad, oo kala ahaa xildhibaan C/wali Sh Ibraahim Muudey oo helay    164  iyo xildhibaan Faarax Sh C/qaadir oo isna helay   94  oo cod.

Halka Musharixiinta ku tartamayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ay codadka u kala Heleen Sidaan , Mahad Cabdala Cawad oo helay  171 cod    iyo  Cabdulqaadir Cali Baqdaadi oo asagana helay 88  oo cod.

Taas oo ka dhigan in uu soo dhameys tirmay Gudoonkii Baarlaamka Soomaaliya waxaana gudoomiyaha Baarlaamka Kusoo Baxay Mudane Prof Jawaari Halka uu gudoomiye Ku xigeenka kowaad yahay C/weli Sh Ibraahim Muudey waxaana Gudoomiye ku xigeenka Labaad asne ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad.

If you want to get an affordable deal for your kamagra, there’s a perfect chance for it! Buy it at our store now for only 1.26 USD!

You might also like More from author