Cabdi Canshuur ”Wasaarada Boostada Awood Uma laha La Soo Wareegidda Furaha 252 ee Soomaaliya…” *Dhageyso*

Ilwareed Online

Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ENG. Cabdi Canshuur ayaa sheegay in Wasaaradiisa aysan la heyn awood ay kula soo wareegto furaha Soomaaliya ee 252.

Waxaa uu sheegay in Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay ay gacanta ku hayaan furahaasi,islamarkaana ay gadaal kaga dareen lambaro kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Xildhibaanada golaha Shacabka ay Ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta si loo soo celiyo Furaha Soomaaliya ee 252.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ay ku doonayso in ay kusoo celiso waxyaabihii ay dowladda gacanta ku heyn jirtay oo hadda ay gacanta ku hayaan badankood Shirkado Soomaali ah iyo kuwo Shisheeye.


http://wardoon.net/wp-content/uploads/2017/08/Yaa-Gacanta-Ku-Haya-Furaha-Isgaarsiinta-Soomaaliya-Ee-252.mp3



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Cabdi Canshuur ”Wasaarada Boostada Awood Uma laha La Soo Wareegidda Furaha 252 ee Soomaaliya…” *Dhageyso* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author