Caawa gaar qarax siday ayaa lagu qabtay Mogadisho.

Images
Gaari

Caawa hawlgalo xoogan oo ay ciidamada booliisku  dfs ka sameyeen Gobolka Benaadir  gaar ahaan Degmada Hodan, ayay kusoo qabteen gaari Walxaha  qaraxa laga soo buuxiyay kaaso la dhigay isbitaalka Digfeer qaar ahaan qaybtiisa Baarkinka ee gawaarida la dhigto ,

 

 

wararka ayaa sheegay in ninkii waday gaarigan ay qabteen Booliska ,kadib markuu isku dayay inuu baxsado  ,

 

 

Booliska ayaa orod ku baacsaday Ninkan  isagoona galay isbitaalka digfeer oo ah goobta uu qaraxa la damacsanaa,

nasiib wanaag Ciidamada boosliiska ayaa gacanta kusoo dhigsy dambiilahan  falkan argagixisada caawa  lagu qabtay,

 

 

Midkamida Saraakiil amaanka degmada oo ka gaabsaday in arinkaan ay ka hadlaan  waqtigaan ayaa yiri ” baritaan ayaan sameynaynaa wixii kasoo baxa ayaan idimla wadaageynaa,

 

Warkan wixii kusoo kordho dib ayaan idinkala socod siindoonaa ,

The post Caawa gaar qarax siday ayaa lagu qabtay Mogadisho. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author