Boqor Salmaan oo sheegay inuu isaga bixin doono kharashka Xujayda Reer Qatar

Ilwareed Online

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa maanta oo khamiis ah lagu sheegay in la furi doono xaduuda u dhaxeysa Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar si xujayda reer Qatar si fudud ugu soo galaan dalka Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga oo saaka baahiyey qoraalka kasoo baxay xafiiska Salmaan ayaa lagu sheegay in Boqorka Sacuudiga uu sanadkan bixin doono dhamaan waxa kharash ah oo ku baxaya Xujayda ah muwaadiniinta reer Qatar.

Wuxuu sidoo kale Boqor Salmaan uu diyaaradahiisa khaaska ah u diri doonaan magaalada Doxa si ay halkaasi uga soo qaadaan Xujayda reer Qatar, ayaa lagu yiri qoraalkan.

Waa markii ugu horeysay ee uu Sacuudiga furo xaduuda dhulka ee uu la wadaago dalka Qatar tan iyo intii ay xayiraada kusoo rogeen Qatar bishii June.

Xujayda reer Qatar ayaa loo furi doonaa xaduuda looyaqaan SALWA umana baahna muwaadiniinta Qatar wax fiiso ah.

Dowlada Qatar ayaa horey cabasho uga keentay xayiraada xulafada Sacuudiga ay dalkooda saareen oo sheegeen in sidoo kale ay saameyn ku yeelan doonto Xujayda reer Qatar, Xukuumada Doxa ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu siyaasadeeyey cibaadada Xajka ee sanadkan.

Go’ aanka Salmaan ayaa u muuqda in looga jawaabayo eedeynta uga timid Doxa, balse dowlada Qatar ayaan weli ka hadlin go’ aankan maanta kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Boqor Salmaan oo sheegay inuu isaga bixin doono kharashka Xujayda Reer Qatar appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author